ku dhawaad 30 kun Neef oo Geel ah oo la dhoofiyay Dekadda Magaalada Boosaaso

Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxa Xalay ka laga dhoofiyay 25,000 kun oo neef oo geel ah kuwaas oo loo iib-geeyay Khaliijka.

Markabka sida xoolahan ayaa dhammaantood geyn doona dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo loo iib-geeyay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda dekedaha Puntland.

Sidoo kale gudaha dekedda waxa haatan ku xiran doonyo kale oo u diyaarsan in ay maalmaha soo socda xoolaha u daabulaan dalalka Khaliijka gaar ahaanna Sacuudiga iyo  Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com