Ku dhawaad 50 ruux oo Soomaali ah Covid-19 ugu geeriyootay Yurub –

 

Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo aad cudurka uu u dilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya waxaa xanuunkan ugu geeriyooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah iyada oo ay tobannaan kalena la jiifaan.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurkan ku badiyey ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafadaha.

Arrintan ayaa waxaa hadda ku baraarugay dowlado ay ka mid tahay dowladda Sweden oo billowday barnaamijyo si toos ah loogu wacyigelinayo Soomaalida halista faafitaanka cudurkan.

Dadka ugu badan ee Somalida ayaa waxa ay ku dhinteen dalka UK, iyadoo ay jiraan Boqolaal kale oo wali la liita xanuunkaan.

UK Somalida ku dhimatay ayaa waxaa walaac laga muujinayaa sidii loo duugi lahaa, iyadoo la arkaayay muuqaalo Baraha Bulshada la soo galiyay oo muujinaya maydadka dad Somaliyed oo Masaajid lagu xareeyay.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com