R/wasaare Khayre oo kulan Online la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide oo maanta yeeshay kulanka dhanka internet-ka ah (video conference), ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dowladood, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jahuuriyadda oo dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo Barta dhammaadka (completion point).

Ine Eriksen Soreide oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Norway ayaa qayb ka ah waddamada dowladda Soomaaliya ka taageera nabadaynta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com