Kufsiga oo ku soo badanaya xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho + Sababta

Falalka kufsiga ee loo gaysto haweenka barakacayaasha ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay xeryaha barakacayaasha ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Toddobaadkan oo ugu dambeysay rag hubeysan ayaa xilli habeen ah hooyo uur laheyd kala baxay xero barakacayaasha degan yihiin oo ku taala deegaanka Garasbaaley, ka dibna ay kufsadeen.

Agaasimaha Xarunta Haweenka & Dhallaanka (SSWC), Aamina Xaaji Cilmi ayaa xaqiijisay in muddooyinkanba uu kufsiga ku soo badanayay xeryaha barakacayaasha.

“Waxaad mooddaa in ayaamahaan ay soo kordheyso, ayadoo sababta la xiriirta aan is dhihi karno waa laba arrimood.” Ayay tiri Xaaji Cilmi oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee BBC.

Aamina Xaaji ayaa sababta koowaad ku sheegtay “Dadka soo baracakay ee Magaalada Muqdisho waxay u dhaxeeyaan Xamar iyo Afgooye, inta dhexdooda ayay daadsan yihiin. Mar walbana waala sii durjiyaa dadka, oo markii dhulka dadkii lahaa u baahdo, dhul dowladdu leedahay ma degana, dhul ay leeyihiina ma degana, waa dad soo barakacay meeshii bannaan oo markaas u sahlanaatee dadka iska deggaan, ka dib markii loo baahdana waa laga durjiyaa.”

Iyadoo ka hadleysay sababta labaadna waxay tiri “Midda labaad oo ah dadka biyo la’aan badan baa haysata, awal waxaan ku dadaali jirnay in la helo tubooyin loo geliyo, oo meelaha kufsiyada ka dhacaan waxaa waaye gabdhuhu markey qoryaha/xaabada doonayaan ama biyaha la dhaaminaayo, dumarka mar walba intaas ayay isugu yimaadaan, marka bandowga adduunka ka wada dhacay dartiis, ma jiraan dadku biyihii ay heli jireen iyo foggaanshihii baa isugu darsamay.”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com