Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo qarax ka badbaaday

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa goor dhow ka badbaaday qarax gaarigiisa lagula eegtay degmadaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Towfiiq iyo Saldhigga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, waxaana uu qaraxu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay.

Laba ka mida ilaalada Gudoomiyaha ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka, oo iminka xaaladooda lagula tacaalayo.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha Degmada Yaaqshiid, baqdina uu bulshada deegaanka ku abuuray.

Axmed Cabdullaahi Cariif, Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ayaa xilka la wareegay 16-kii bishii November, ka dib markii xilkaasi laga qaaday Gudoomiyihii hore ee degmadaasi, Muuse Geesey Jimcaale

In dhawaalaba waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada la dhigo hareeraha wadooyinka, ee markaasi lala eeganayo gaadiidka ay la socdaan Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa u muuqda kuwa weeraradii tooska iyo is qarxinta ahaa u bedelay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, inkastoo xilliyada qaarkood ay magaalada ka gaystaan qaraxyada ay fuliyaan mintidiinta u bareeray in ay nafsadahooda halligaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com