Puntland oo lacag duldhigtay madaxa Afhayeenka Al Shabaab, Cali Dheere

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka falceliyay warkii dhawaan ka soo yeeray Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ee ku baaqaayay in la dilo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in fasiraad khaldan laga bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo uu arrinkaasi ku eedeeyay Culima’udiinka Soomaaliyeed qaarkood.

Hadalkiisan ayaa waxaa gef ku tilmaamay Culima’udiin uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, iyagoona ugu baaqay inuu towbad keeno.

Muxuu yahay hadalka gefka lagu tilmaamay ee lagu haysto?

Gudoomiyaha ayaa 21-kii bishii December Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in aanay macno ugu fadhin Masaajidda ku yaala magaaladaasi, addaankooduna uuba dhibayo, haddii aanu ku tukan.

“Ayaan dhaweyd, Masaajid baa nin lagu hordilay, wadaadkii Imaamka ahaa baa la xiray, odayaashii oo dhan baa ii yimid, waala ila soo hadlay wadaadka hala sii daayo, wadaadkii Taliyihii Qaybtan wacay, waxaan ku iri wadaadka soo daa, baaridna ha gelin.

Culimadii iyo odayaashii baan qado u sameeyay waxaan ku iri culimo-allaay soo masaajid ma ahan waxa aad ka hadleysaan, aniga waxba iiguma fadhiyo addinkiisaa i dhiba, kumana tukado, ee ama aan misaajidka ku wada tukano oo Shabaab dagaal diin been ah bay wadaanee taxriifka ka saxa ama masaajidda waa xirxireynaa kuligeena guryahaan ku tukanaynaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, xilli uu ka hadlayay munaasabad lagu caleemo saarayay Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan.

Gudoomiye Sanyare oo ka jawaabayay baaqa Cali Dheere ayaa abaalmarin lacageed oo dhan shan boqol oo kun oo dollar ($500,000) duldhigay madaxa Cali Dheere.

Gudoomiyaha oo shalay ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo, laguna xusaayay Saraakiishii Militariga ee lagu dilay qaraxii 18-kii bishii December ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ayaa lacagtaasi u ballanqaaday cid walboo disha Cali Dheere.

Sanyare ayaa Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ku eedeeyay inay dhibaato badan ku hayaan dalka, isla-markaana ay dileen laba milyan oo qof oo Soomaali ah, xilli aysan jirin sabab ay ku dileen dadkaasi, sida uu yiri.

Shabaabka ayaa 17-kii bishii May ee sanadkii hore weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxay ku dileen Gudoomiye Sanyare walaalkii, oo xilligaa ku magacawnaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland. Dilka Axmed Muuse Nuur waxaa fulisay qof dumar ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com