Kulan lagu sagootinayay Musharax Abdulaahi Qadar oo ugaatag ka mid ahaanshaha  xildhibaanada  golaha shacabka oo lagu qabtay Oslo

 

Kulamkaani oo ahaa sagootin iyo casho sharaf loo sameeynayay Musharax Abdulaahi Qadar oo utaagan xilka Xildhibaannimo ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Oslo ee Caasimada wadanka Norway.

Ugu horeeyn waxaa ka hadlay Suldaan Bashiir oo ah oo kamid ah odayasha magaalada Oslo waxuuna sheegeyay halganka ay ku leeyihiin dhalinyarada taarikhda soomaaliya .

Gudoomiyaha dhalinyarada Norway Cadnaan Abdule Ayaa dhankiisa goobta sheegay in ay u duceeynayaay in xilkaasi allah ku guuleeyo Musharax Abdulaahi Qadar .

Dadkii goobta kahadlay ayaa intoobadan sheegay in Abdulaahi Qadar oo yahay aqoonyahan kasoobixikaro xilka uu haminayo taas oo wax tar uleh  deegaanada lagasoodoorto iyo guud ahaan soomaaliya .

Ugu danbeenti Musharax Abdulaahi Qadar oo gootaka hadlay yaa kaga mahad celiyay dadkii ka soqeeb galay kulanka waxuuna balanqaaday in uu kashaqeey doono isku keenida umada soomaaliyeed dal iyo dibad.

Abdulaahi qadar ayaa kaalin weeyn kagajiro jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway waxuuna hormuud u ahaa dhaqaalihi loo aruurinayay dhibaatadii kadhacday Goloka Gedo taasi oo uu degaanka  Doolaaw ugu aruuriyay lacag gaareeyso 5000,oo lacagta Norway ah wax uuna hada qeeb kayahay mashaaric gobolka laga fulinayo oo ay ugu horeeyo Isbitaalka Guud ee Dolaaw

Xafiiska Wararka 0slo

Info@aragticusub.com