Faah Faahino ka soo baxaya Dagaalo khasaare geystay oo ka dhacay degaano ka Tirsan Galmudug

Wasaaradda amniga maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixisay dagaallo u dhexeeyey ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isku dhinac iyo Alshabaab oo shalay ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Dagaallada ayaa ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Bulacle oo ka tirsan gobolka Galgaduud

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalladaasi ay ku digeen illaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dhankoodana ay uga geeriyoodeen ugu yaraan 3 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay inay ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay la wareegeen tuulada Ceel Cali-Mire oo koonfur bari ka xigta magaalada Dhusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaalladaasi, waxaana ay shaacisay inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com