Kusimaha Ra,iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay khuburo dhaqaalaha ku Takhasustay

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna siihayaha xilka Ra’iisal wasaaraha dalka       Mahdi Maxamed Guuleed khaddar  ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaalityadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah.

Intii uu kulanka socady ayay mas’uuliyiinta ka wada hadleen sida loo horumarin karo nidaamka maamulka maaliyadda  dalka iyo dowlad wanaagga.

 

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga. Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaaroayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed”.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com