la Taliye Xafiiska Ra’iisare Kheyre oo sheegay in Dawlada Qatar ay tahay saaxiibka dhabta ah ee Soomaaliya

La-taliyaha Ra’isul-wasaare Keyre ee Arrimaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta, Dr. C/raxmaan C/llaahi Baadiyow waxa uu hadalkaasi ka sheegay Dood-cilmiyeed looga hadlayey Dhaqanka Somalia oo lagu qabtay Machadka Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Doha.

La-taliyaha waxa uu carrabka ku adkeeyey inay Dowladda Qatar Isbahaysi muhiim oo lagu kalsoonaan karo u tahay Somalia, isla markaana aysan waxba kala harin dadaalka ay ku taageerayaan Somalia.
Waxa uu sii raaciyey in Dowladda Qatar ahayd Taageerihii ugu weynaa ee xilligii ay Colaadaha sokeeye ka socdeen dalkeena.

Dhinaca kale, La-taliyaha waxa uu tilmaamay in dalalka Cunaqabataynta saaray dalka Qatar ay ku ciqaabayaan Somalia Mowqifkeeda Dhexdhexaadnimadda ee Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Qatar iyo dalalka kale.
Wuxuuna intaasi ku daray inay aad u liidato Taageeradda Siyasaadda, Samafalka iyo Horumarinta ee ay dalalka cunqabatanta saaray Qatar u fidiyaan dadka Soomaalida.

La-taliyaha Ra’isul-wasaare Keyre ee Arrimaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta, Dr. C/raxmaan C/llaahi Baadiyow waxa kale oo uu tilmaamay in Bulshadda Soomaalida ku nool dalka Qatar ka mid yihiin Jaalliyadaha Carbeed ee ugu faca weyn ee muddada dheer ku noolaa dalkaasi.

Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda dhaqaale ugu badan siiya DFS, iyadoo Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani uu sanadkii hore ballan qaaday inay miisaaniyadda DFS ku taageeri doonaan lacag dhan 73 million ee Riyaalka Qatar.
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com