Laamaha ammaanka laascaanood oo dad u qabtay dilkii Xildhibaanka

Waxaa xalay fiidkii magaalada Laasacaanood lagu dilay Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha deegaanka, isla markaana ahaa gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee gobolka Sool.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in dad hubaysan oo aan heybtooda la aqoon ay mudanaha ku dileen gurigiisa. Sanadihii dambe, waxaa Laasacanood ka dhacayay dilal qorsheysan, arrintaas oo aan looga baran deegaannada ay ka arrimiso jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Maayarka Laasacaanood, Cabdiraxiim Cali Ismaaciil ayaa sheegay in dilkaas loo qabtay dad lagu tuhmayo, isla markaana ay baaritaano ku hayaan.

Magaalada laascaanood muddo Saddex Bilood gudahood ah waxaa lagu dilay dad kala duwan, waxaana ilaa iyo hadda laamaha amniga aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilalkaas.