Gudiga Doorashada ee Heer Federaal oo Gudoomiye iyo Ku Xigeen doortay.

Guddiga doorashada ee Heer federaal ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye Xilli uu jiro Caqabado ku saabsan guddigan ay dowladda magacowday.

Laba musharax ayaa u tartamay xilka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, iyadoo kulanka ay soo xaadireen 20 ka mid ah 25-ka xubnood uu guddigaan ka kooban yahay.

Maxamed Xasan Maxamed ( Cirro)  iyo Liibaan Abuukar ayaa u tartamay, waxaana gudoomiye loogu doortay Maxamed Xasan oo helay 17 cod halka Liibaan Abuukar uu helay 3 cod.

Sidoo kale Mowliid Mataan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Kheyre.

Guddiga Doorashada waxaa ka  dhiman xubnihii ay soo magacaabeen maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo aan ku qanacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe u wado howlaha doorashooyinka.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com