London Soomaalida Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey oo sii korortay

Waxaa sii kordhaya dadka uu Cudurka Coronavirus ku dilayo dalka ingiriiska,kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo kuwo u dhashay dalkaas,halka kuwo kale ay la jiifaan.

Wararka Aragticusub ay ka heleyso dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada london uu Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Xasan C/laahi Muxumad Beyle (Xasan Bedeey).

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu kamid ahaa Soomaalida la xanuun saneysay Cudurka Coronavirus,isla markaana uu ku geeriyoodey mid kamid ah Isbitaalada Magaalada london.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo sheegay inay ehel ahaayeen ayaa sheegay in uu ahaa Shaqsi wanaagsan,isla markaana ay ismoogaayen kaliya muddo bil ah xanuunkana uu ku qabtey si kedis ah.

Dadka dalka Ingiriiska ugu dhintey Cudurka Coronavirus ayaa gaartey 9892 oo uu ku jiro Wiil yar oo dadiisa ay tahay 11- Sano Jir iyo dad caan ah oo uu kamid ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo Jimcihii la soo dhaafay lagu Aasay london.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com