Ma dhabaa in Rooble hortaagan yahay dadajinta doorashada dalka…?.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa 1-dii May ee sanadkan sii dhammaanaya 2021 lagu wareejiyey maamulka Doorashada, kadib qalalaasihii ka dhashay muddo kororsiga Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo damacsanaa hase yeeshee sida cad looga wada horyimid.

Inkastoo ay xaalado kala duwan soo martay Doorashada khilaafka dhalisay ee sida weyn dib ugu dhacday, laga soo bilaabo heshiiskii Septembar 2020, waxaa la ogaa inuu Farmaajo dooneynin dadajinta doorashada, hayse yeesheen waxaa muddooyinkii danbe soo baxayay in Maxamed XuseenRooble uu isna ka cago jiidayo dardar gelinta doorashadii loo xilsaaray.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu si cad tuhunkan ugu soo baxay markii uu khilaaf siyaasadeed la galay Farmaajo, taasoo wakhti ku lumay, kadibna uu qaatay heshiis aan wax cusub soo kordhin oo kaliya uu ku helay xilal uu saaxiibadii u magacaabo, iyadoo wax horumar ah laga gaarin sababtii khilaafka oo ahayd kiiska Ikraan Tahliil.

Khilaafka dhex maray Rooble iyo Farmaajo waa qodobka koowaad ee caddeynta u ah in Rooble uu raadinayo awoodo dheeraad ah iyo xilal, intii uu xoogga saari lahaa doorashada sanadka ka badan dib u dhacsan, wuxuuna galay safarro dibadda ah oo sidoo kale ka tarjumaya dadaalkiisa ah inuu xilka iska sii joogo.

Qodobka labaad ayaa ah in Rooble uu muddo bilooyin ahba wado inuu rag ay saaxiibo yihiin u magacaabo xilal muhiim ah, sida agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maamulka Waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho (Furadda Xamar), Agaasime maamulka maaliyada ah oo ka tirsan ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Ra’iisal wasaaraha ku mashquulsan magacabista wasiiro ilaa agaasimeyaal waa xilgaarsiin aan sharcigu siineynin inuu isbedel weyn ku sameeyo xilalka dowladda, laakiin dowladda Farmaajo ee sanadka sii joogta xilka ayaa sharci-darradaasi caadi ka dhigtay iyadoo uu Rooble ka faa’iideysanayo.

Hore waxaa Rooble looga soo xigtay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, balse waxaa hadda muuqata in Rooble uu sidoo kale fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu dano gaara ku gaaro, taasoo si cad uga hor timid Beesha Caalamka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com