War-murugo leh oo ku soo kordhay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

La-taliyihii hore amniga qaranka ee Madaxweynaha mudaxileedkiisu dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo, Xuseen Sheekh Cali, haddana madax ka ah machadka daraasaadka amniga ee Hiraal, ayaa sheegay inuu maqlayo war murugo leh oo kasoo kordhay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xuseen Sheekh Cali oo ah xog-ogaal amni, ayaa sheegay in baaritaanka kiiska lasoo geba-gebeyn doono, ayada oo aan cidna dacwad lagu soo oogin, arrintaasna uu ku tilmaamay inay tahay mid aan ku wanaagsanayn maqalka Ummadda Soomaaliyeed ee dhagta u taagaya gabagabada baaritaanka kiiskaas.

“Waxaan maqlayaa war murugo leh oo kusoo kordhay kiiska Ikraan, waxaa la leeyahay baaritaanka waa lasoo geba-gebeynayaa, Ma jiraan wax caddeymo ah oo cidna dacwad loogu soo oogo” ayuu si murugo iyo tiiraanyo xambaarsan u yiri Xuseen Sheekh Cali.

“Tani waxay tijaabo damiir inoo tahay dhammaanteen ama waxaan aqbaleynaa in wax daboolidda ay noqoto caddaalad la gutay ama waa diideynaa oo waxaan ku adkeysaneynaa in ku dhaqanka sharciga uu guuleysto” ayuu ku daray hadalkiisa.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqday inuu sii daboolmayo wixii ka dambeeyey markii Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu afartii October safar ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo la rumeysan yahay in cadaadis xooggan lagu soo saaray.

Rooble ayaa safarka Doha kadib sidoo kale dib ula heshiiyey madaxweyne Farmaajo, isaga oo ka tanaasulay qodobadii ugu muhiimsanaa arrimaha ay isku hayeen madaxweynaha, sida magacaabista taliyaha NISA.

Barnaamijka Galka Baarista ee 2-dii November ayaa lagu shaaciyey in guddiga maxkamadda ciidamada qalabka sida, ee loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil uu la kulmay caqabad dhanka NISA ah.

Xogta ayaa shaacisay in maxkamadda ay dalbatay in la wareysto laba sarkaal oo ka tirsan NISA oo lagu tuhmayo kiiska, oo mid ay tahay gabar guriga la deganeyd Ikraan Tahliil, hase yeeshee NISA ay diiday in la wareysto labadaas sarkaal, ayna ku adkeysatay inay ayada soo wareysato, sida lagu shaaciyey barnaamijka.

Waxaa kadib NISA ay sheegtay inay wareysatay labada sarkaal, waxayna u gudbisay guddiga baaritaanka warbixin ka kooban 38 bog oo ah jawaabaha ay bixiyeen labada sarkaal.

Rooble ayaa kiiska Ikraan Tahliil ku helay shacbiyad badan, isaga oo isu muujiyey inuu u damqanayo qoyskeeda, balse sida hadda muuqata, wuxuu kiiskan noqon doonaa mid ka mid ah tobanaanka kiis ee horey loo sheegay in si dhab ah loo baarayo balse ay halkaas ugu war dambeysay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com