Ma Run baa in Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan uu Dhowr Jeer Booqday Isra,el?

Dhax sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa dhawaanahan dhowr jeer booqasho ku tagay Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta Bariga Dhexe.

 

Dadka indhaindheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xiriir qarsoodi ah uu horay uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safarro la xaqiijiyay ilaa hadda.

 

Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa laga shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.

Hase yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga wareystay.

 

“Warar ku saabsan arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yiri sarkaal horay uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale aad u hadal heysa sheekadan.

Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in uusan Israa’iil u dhaleeceynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com