Alshabaab oo Madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb

Wararka Imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Madaafiic ku weerareen gaaroonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya  in dhowr Madfac oo Nuuca Hoobiyaha ahs Al Shabaab   ku garaaceen garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta la xaqiijiyay weeraradaasi ay ku dhaawacmeen  laba qof oo Shacab ah.

Ciidamada Amisom ee ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya eek u sugan Garoonkaasi ayaa dhinacooda ka jawaaba Madaafiicda lagu tuuray garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Hawlgalo ay Iska kaashanayan Ciidamada  Dawlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Amisom ayaa ka socda nawaaxyiga garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com