Maamulaha Madrasada Al-kahfi oo bulshada ugu baaqay in ay afuriyaan dadka dantayar

 

Iyadoo bisha barakaysan ee Ramadaan ay mareyso kala bar, isla markaana ay jiraan dad danyar ah oo aan awoodin inay afuraan, ayaa Maamulaha Madrasada Al-kahfi deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo isku xilqaamay inay afuriyaan dadka danyarta ah ee ku nool deegaanadaasi ayaa sheegay inay soo foodsaartay culeys ka weyn intii ay ku talagaleen.

Macalin Yuusuf Maxamuud Cali oo ah maamulaha Madrasada Al-kahfi oo wareysi gaar ah siiyey shabakadda Aragti Cusub ayaa sheegay inay Madarasada shaqeyneysay in ka badan sanad iyo bar isla markaana lagu baranayay diinta islaamka, halka bisha ramadaan ay sameeyaan afurin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel ka qeyb qaadashada kheyrka, wuxuuna xusay inay sanadkaan usoo afur doonteen in ka badan tirada markii hore ay filayeen, isagoo ka codsaday ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba garab istaagaan sanadkan iyo sanadaha soo socda intuba.

Halkaan Hoose ka dhageeyso