Maamulka G/Hiiraan oo Digniin udiray Hay’adaha Samafalka

Cali Jeyte Cusmaan Guddoomiyaha gobolka hiiran oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu digniin u diray hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala gudaha magaalada Beledweyn ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo laga qaadi doono hay’adaha samafalka ee dadka ka barakicinaya gudaha magaalada Beledweyne, isagoona sheegay inuu maxkamad la tiigsan doono.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in maamulkooda ay ku howlan yihiin sidii looga hortagi lahaa fatahaad ka dhacda Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Halkan ka dhageyso Codka.