Maamulka gobolka Banaadir oo Eedeeyn U jeediyay Midowga Musharixiinta

(Muqdisho Aaragti Cusub )Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray war saxaafadeed uu shacabka ku nool Gobolka Banaadir ugu baaqayo sugidda amniga, iyadoo eedeyn loo jeediyay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha 2020/2021
War saxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay eedeyn ka timid Musharaxiinta Madaxweynaha ee ku saabsan Hadal dhowaan uu jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho
“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu aad uga xun yahay qoraalka lagu faafiyay Baraha Bulshada ayna soo saareen qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu qoray eed iyo cambaareyn aan sal iyo raad laheyn oo loo jeediyay madaxda qaranka ee dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir loona turjumay si qaldan, iyada oo muhsarixiinta ka leeyihiin qoraalkooda dano guracan oo u adeegaya shisheeye ayaa lagu yiri”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sido kale qoraalka ayaa lagu sheegay in xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Caasimadda in dadka ku nool ay si nabad ugu naaloodaan ay tahay waajib sharci ah oo uu u xil saaran yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana laga digay hab dhaqan kasta oo hadal iyo ficil ee dhiira gelinaya dib u dhac iyo xasilooni darro, taasoo keeni karta natiijo aan la mahdin, isla markaana uusan maamulka gobolka Banaadir Ogolaan doonin in la Abuuro Falal Qalqal gelinaya Amniga Ciisamada Muqdisho


Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com