Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo uu kulan looga hadlayay Arimaha doorashooyinka uu la qaatay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Taliyaha Hay’adda Nisa?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed, Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa xalay kulan ku yeeshay xaruunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Illo wareedyo ayaa sheegaya , in kulanka oo saacado badan qaatay looga hadlay arrimo badan oo ku Saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Sidoo kale, kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji , waxaana kulankaas uu ahaa mid Irdaha ay u laabnaayeen .

Kulankaas ayaa ku soo Aadaya , iyada oo Midowga Musharrixiinta u tartmaya Doorashada 2020/2021 oo shirka dhawaan ku yeeshay Muqdisho ay ku baaqeen in la beddelo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com