Dhageyso: La taliyaha Siyaasada iyo Amniga ee Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka war bixiyay Safar uu Madaxweyne ku Xigeenka ku Tagay degaano ka Tirsan Galmudug

Xasan Cali Dhuux Cali maad oo ah la Taliyaha Dhinaca Siyaasada iyo Amniga ee Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa ka war bixiyay Safar uu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaniyao ay ku Tageen degaano ka Tirsan Waqooyiga Galgaduud ee Galmudug
Wafdiga Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug degaanadaasi kula kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada , waxgaradka culimada iyo dahalinyarada isaga oo kala hadlay Xoojinta Dadaalka Nabadeed ee Maamulka Galmudug oo ku doonayo in lagu Adkeeyo Heshiisyadii Maamulka Galmudug ay kala dhex dhigeen Beelaha Dega Waqooyiga Gobolka Galgaduud
Mudane Xasan Cali Dhuux Cali maad oo ah la Taliyaha Dhinaca Siyaasada iyo Amniga ee Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa sheegay in Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug si wanaagsan loogu sameeyay Degmada Caabudwaaq iyo degaano kale oo ka Tirsan Galmudug Halkaasi kulamo kala duwan uu kula qaadanayo Madaxda Degaanadaasi iyo qaybaha kale ee bulshada