Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo maanta xukun dil Toogasho ah ku Fulisay Maxamed Xaaji Ilkacase” iyo Rag kale

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xaaji “Ilkacase” iyo 2 kale oo lagu Eedeeyay in Alshabaab ay ka Tirsanayaaeen , kuwaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed.

Raggaan oo ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu Eedeeyay in dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho waxaana lagu toogtay fagaaraha dugsiga Booliska ee Jeneral Kaahiye ee Magaalada Muqdisho .

Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raggaan oo dilay dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com