Alshabaab oo sheegatay Mas,uuliyada Qarax xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, ayay Alshabab sheegeen in ay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxa uu ka dambeeyay dagaalame naftii horre ah oo isku qarxiyay maqaayad kutaala wadada isku xirta isgooyska Lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay weerarkaan ku soo Aaday xilli uu maalintii shalay Muqdisho soo gaaray wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller kaas oo saacado kooban ku sugnaa garoonka diyaaradaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com