Madaxdii Hore Ee Puntland Iyo Cumar Cabdirashiid Oo Gaaray Magaalada Boosaaso

Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxdii hore ee Puntland ayaa waxaa Boosaaso kusoo dhaweeyay Maamulka Boosaaso, kan Gobolka Bari, Wasiiro, siyaasiyiin, Taliska Cidanka Booliska, Mas’uuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka Madaxdii hore ee Puntland iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu yahay xalinta xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaano.

Faroole, Gaas iyo  Cumar Cabdirashiid ayaa Magaalada Boosaaso kulamo kula  qaadan doona Isimada, Waxgaradka iyo Maxamuud Diyaano, iyagoona ka wada hadlay sidii xal buuxa looga gaari xiisada sababta dagaalkii ka dhacay ee khasaaraha geystay.

Madaxdii hore ee Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ka waday Magaalada Garoowe oo ay la qaadanayeen Madaxweynaha Puntland Puntland Saciid Deni, isla markaana kala arrinsaday xalinta shaqaaqadii dhacday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com