Rooble oo khadka teleefanka kula hadlay Molly Phee

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta khadka teleefanka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Molly Phee.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo doorashooyinka.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayay khadka teleefoonka ku wada hadleen Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Molly Phee oo ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed, amniga iyo doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo xalay khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku celiyay, sida uu Mareykanku kaga biyo diidan yahay isku daygii maalin ka hor la doonayay in Ra’iisal Wasaaraha lagaga hor istaago shaqadiisa.

Caalamka ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku cadaadinaya inay dardargeliyaan doorashooyinka dalka, isla-markaana ay doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com