Hab cusub ee loo qaadi doono canshuurta oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Sawiro).

Muqdisho,Dowlada hoose Xamar ayaa xarunta gobolka Banaadir kusoo bandhigtay gadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta canshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaadiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadijaray waxaana daah-furay ololahaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Agaasimaha canshuuraha dowlada hoose Xamar Ayaan Cabdi Maxamud ayaa faah faahisay ololahaan

“Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay fududeeyaan bixinta Canshuuraha si loogu guuleysto hirgalinta mashaariicda ee adeegyada bulshada.

“Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com