Dowlad Masar oo xaqiijiyay in qof laga helay Cudurka coronavirus

Masar waxay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee cudurka ‘coronavirus’ dilaaga ah kaasoo ka dilaacay bartamaha Shiinaha dhammaadkii sanadkii hore isla markaana tan iyo markaas ku faafay in ka badan laba iyo toban waddan oo adduunka ah.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Masar Khaled Mugahed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay Cudurka uu yahay “nin ajnabi ah” oo aan muujin wax astaamo halis ah.

Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay isbitaal isla markaana uu kujiray. Ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay.

Dhanka kale Beijing ayaa waxa ay amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda uu is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab, arrintan oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa loo sheegay “inay is karantiilaan ama ay tagaan xarumo dadka lagu karantiilo” marka ay dib ugu soo laabtaan caasimadda Shiinaha fasaxa kaddib.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Masar xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah ee lagu arko qaaradda Afrika.

In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi, kaas oo ka soo bilowday magaalada Wuhan.

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com