Ciidamo ka tirsan dowladda oo nin darawal ku dilay Muqdisho.

Muqdisho,Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan, kadib markii Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga ay istaajiyeen gaarigii uu watay Marxuumka.

Gaariga uu watay Marxuumka oo ahaa nooca loo yaqaan Caasiga, ayaa ciidankii joojiyay waxa ay ka dalbadeen inay sii raacaan, balse darawalka gaariga ayaa ka diiday Askartaasi inay gaariga soo raacaan.

Intaasi kadib ciidankii oo ka carooday diidmada gaariga loo diiday, ayaa waxa ay xabado ku rideen gaarigii, waxaana halkaasi ku dhintay darawalkii waday gaariga.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed deeq Ibraahim, wuxuuna ahaa Aabe u shaqeysan jiray carruurtiisa.

Ciidankii falkaasi gaystay ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen Marxuumka, waxaana meesha laga soo qaaday ninkii la dilay.

Ehelada Marxuumka oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa ay dalbadeen in Caddaaladda la waafajiyo Askartii ka dambeysay dilka darawalkaasi.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com