Madaxtooyada Soomaaliya oo ka war bixisay kulan caawa ka dhacaya Magaalada muqdisho

Madaxweyne Dawlada Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Xalay ayay madaxdu ku yeesheen  Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweeyn ah oo horudhac u ah kulanka  caawa loo ballansan yahay.

Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah.

Sidaasi waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweyne JFS ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay” ayuu yri Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com