Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xarunta loo dhisaayo Madaxtooyada Maamulkaas (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye ayaa Kormeer & Indha-Indheyn kutegay Xarumaha loo dhisaayo Madaxtooyada iyo Afar Wasaaraddood oo kala ah; Maaliyadda, Qorsheynta, Arrimaha Amniga & Gudaha.

Madaxweynaha oo uu kormeerkan ku wehlinayey Agaasimaha Madaxtooyada Cusmaan Macallin Xasan ayaa halkaa waxa kusoo dhaweeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud & Guryeynta Mahad Xasan Yusuf oo ka warbixiyey Mashruucaan.

Mashrucaan oo ay iska kaashanayaa Dowladda Galmudug iyo Hay’adda SSF ayaa madaxweynuhu daahfuray 10-kii Maarso ee sanadkan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com