Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Golaha Wasiirada cusub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda magacaaban ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya kula dardaarmay inay si wanaagsan u qabtaan shaqooyinka, marka ay helaan codka kalsoonida ee Golaha Shacabka Somaliya.

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa xalay lagu dhawaaqay waxaaba ay ka kooban yihiin 70 Wasiir oo isugu jira Wasiir Buuxa, Wasiir ku xigeeno & Wasiiro dowlayaal.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com