Madaxweynaha Galmudug oo soo saaray liiska musharaxiinta kuraas ka mid ah Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa soo saaray liiska musharaxiinta qaar ka mid ah kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ee laga soo dooranayo Galmudug.

Axmed Qoor Qoor ayaa shaaciyey magacyada 12 musharax, oo u tartami doonta 6 ka mid ah 8 kursi ee Galmudug ku leedahay Aqalka Sare iyo sida ay isugu beegan yihiin, waxaana ay kala yihiin Magacyadooda.

Cabdi Axmed Dhuxulow,
Nuur Xasan Guutaale

Yusuf Geelle Ugaas
Daahir Faarax Filidow

Siciid Siyaad Shirwac
Maxamed Daahir Maxamed

Samsam Daahir Maxamuud
Farxiyo Maxamed Guure

Cabdixakim Macalin Axmed
Ismahaan Cabdi Xuseen

Duniyo Maxamed Cali
Qadro Cabdullahi Isxaaq

Madaxweynaha Galmudug ayaa dib u dhigay soo gudbinta musharixiinta Aqalka sare Saddex kursi oo kamid ah, kuwaas oo qaarkood ay u hanqal taagayaan Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdi Qeybdiid iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.