Xisbiyada Høyre iyo FRP oo hoos ku dhac ku yimid maalmo ka hor doorashada.

Oslo, Xisbiyada hogaaminaya dowlada ayaa hoos u dhac xoogan ku yimid kadib saadaal uu sameeyay TV2.

Saadaasha ayaa muujinaysa in xisbiga Høyre helay 18.2% halka FRP uu helay 9.3%.

TV2 ayaa isku geyn tilmaamay xisbiyada tala haya heystaan 55 halka marki hore heysteen in ka badan 85.

Xisbiyada AP, Sp iyo Sv ayaa ah kuwo saadaasha muujineysa in ay heystaan codad ku filan oo ay kula wareegi karaan Xukuumada.

Erna Solberg ayaa ku tilmaamtay saadaashaan mid dhiiranaan iyo dadaal dheeri ah ka qaadi doonaan.

Maanta ayaa si rasmi ah u bilaaban doontaa in bulshada Norwey codadkooda dhiiban karaan halka natiijada ugu dambeeysa soo bixi doonta 13-bisha soo socota.

Xafiiska Wararka, Oslo.

Info@aragticusub.com