Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadley Geerida Wasiiru dowlihii Cadaaladda

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Shacbiga, iyo Shacbiga Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlaha Cadaalada Hirshabelle xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle oo maanta ku geeriyooday magaalada muqdisho oo uu maalmihii u dambeeyay la xanuunsanayay Cudurka Covid 19.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Wasiir Xildhibaan Khaliif Muumin Toodow ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo La unkay Dowladda Hirshabelle.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com