Dhalinyaro gacanta ula tagay askar boolis ah.

Oslo,Dhalinayaro gaaraya labaatameeyo ayaa la xaqiijiyay in gacanta ula tageen askar boolis ah xili howlgal ku guda jiree.

Sida uu ku waramay wargeyska VG gacan ka hadalkaan ayaa yimid kadib markii booliska isku dayeen qabashda laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay fal dambiyeen.

labadaas dhalinyarada ah ayaa taageero ka helay labaatameeya kale taasi oo sababtay in mid ka mid ah booliska wajiga wax looga dhifto.

Sarkaal ka mid ah booliska ayaa sheegay in ay garanayaan dhalinyarada weerarka geysatay balse ma jiraan faah faahin kale uu ka bixiyay.

Xafiiska Wararka,Oslo