Norway:-Dadka qaadaya xanuunka caabuqa Caronavirus oo sare u kacay wadanka .

Oslo:-Warbaahinta iyo hay,adaha caafimaadka Norwey ayaa sheegay in 24-saac ee ugu dambeeay ay qaadeen xanuunka dad gaaraya in ka badan 500 oo ruux.

Dadka xanuunkaan ku dhacay ayaa ku jira dad qaatay talaalka koowaad ee caronavirus taasi oo keentay in dowlada ku booriso bulshada in taxadar weyn muujiyaan.

Dowlada ayaa ku baaqday in bulshada qaataan talaabooyinka looga hortagayo faafida xanuunka ee hore u soo saareen,waxaana dowlada xaqiijisay n maalinta isniinta ah ee soo socota soo saari doonaan sharciyo cusub ee looga hor tagayo sare u kaca xanuunka coronavirus.

Wadamada badan ee ku yaal yurub ayaa laga dareemayaa in sare u kac xoogan sameynayo caabuqa caronavirus taasina dareen xoogan ku abuurtay bulshada.

Xafiiska wararka Oslo

Info@aragticusub.com