Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Soomaaliya

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo uu hoggaaminayo Muuse Geelle Faroole, isla markaana Puntland u tegay Doorashadii Aqalka Sare oo ay goobjoog ka ahaayeen.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Puntland sida ay doorashada u qabteen, waliba 11 kursi ee Puntland ku laheyd Aqalka Sare.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com