Madaxweynaha Puntland oo Arimo Xasaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay shirka ka Furmay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulllaahi Deni oo shirka uga qeyb galay Habka Fogaan Aaraga Zoomka ayaa ka hadlay doorashada Dalka , waxaa uu soo jeediyay in dowladda Federaalka ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Gedo, si Jubbaland doorashada ugu qabato, sidoo kale waxaa uu ku baaqay in Guddiga doorashada ee Somaliland ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay qeyb ka yihiin dhammaan dhinacyada ka soo jeeda Somaliland.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo Hadal ka jeediyay madasha Shirka ayaa yiri “Waxaan dhammaan dhinacyadda Siyaasadda ugu baaqayaa inaan la carqaladeyn doorashadda, lagana fogaado wax kasta oo kala irdhoobid keeni kara”.
Hadalkaan ka soo baxay Deni yo Qoo qoor ayaa ku soo adaya xili mucaaradka Dawada Federaaka ay si weyn u dhaliilsan yihiin Gudiga doorashada ee Xukuumadda Soomaaliya ay Magacaawday
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com