Madaxweynaha Somaliland oo markii ugu horreysay tagaya Mareykanka

Dhawaan sida uu ka hor sheegay baarlamaanka Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaa la filayaa in uu safar ku tago dalka Maraykanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tago dalka Maraykanka.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa laga arkayey warbaahinta iyo qaar ka mid ah madaxda falanqeeya siyaasadda Maraykanka, baaqyo isasoo tarayey uu ku aaddanaa samaynta xiriir cusub oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.

Somaliland iyo Maraykanka ma aha markii u horreysay ee la isku xiriir ama si uun uu usoo baxo warka sheegayaa in xiriir gaar ahi dhex marayo. Mana aha markii u horreysay ee ay kulmi doonaan madax ka kala socoto labada dhinac.

Horraantii sannadkii 2008 bishii Janurary, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, oo uu weheliyo Wasiirkiisii Arrimaha Dibedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo xubno badan oo ka tirsan golahiisa wasiirada, ayaa lagu martiqaaday Washington booqasho ay si rasmi ah u qiratay xilligaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.