Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Dagaal-oogaha dalka Libiya

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta u jeediyey Xildhibaanadda Xisbigiisa AK Party ee ka tirsan Barlamaanka Turkiga, wuxuuna xusay inay Jeneral Khaliifa Xaftar bari doonaan Cashar, haddii ay Ciiddankiisa sii wadaan inay weeraraan Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay ee fadhigoodu yahay magaalladda Tripoli.

Erdogan waxa uu sheegay inay waajibkooda yahay inay dadka Reer Liibiya ka difaacaan weerarada Ciiddanka u daacadda ah Dagaal-oogaha Khaliifa Xaftar.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa ku soo beegmay, kadib, markii uu Jeneral Khaliifa Xaftar isaga soo baxay Shirkii Nabadda ee ka socday Caasimadda dalka Raashiya ee Mosko, oo la filayey inuu Heshiis Xabbad-joojin ah la saxiixdo Ra’isul-wasaaraha Dowladda Libiya ee GNA ee ay QM aqoonsan tahay, Fayiz Siraaji.

Dhinaca kale, Shirweyne looga hadli doono  Arrimaha dalka Libiya ayaa la filayaa inuu maalinta Axadda ee soo socota ka furmo caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin.

Kulankaasi waxaa ka qeyb geli doona wafuud ka kala socota Dowladda Libiya iyo Khaliifa Xaftar iyo Ergooyin matali doona QM, Turkiga, Raashiya, Britain iyo Jarmalka