Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka qaybgalay Aaska Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubland :Daawo Sawirada

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Mamadoobe  oo  Kismaayo uga  Qayb galay Aaska   Gudoomiyihii Rugta Ganacstada Jubbaland ayaa Sarakiisha Hay’adaha Amniga, faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa Amray  Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah..

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Kooxda banaysatay dhiiga Shacabka ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

Maalintii shalay ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo lagu dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi, waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu degdeg isla shalay ugu laabtay Kismaayo, si uu uga qeyb galo aaska Marxuum Shaafi oo ka mid ahaa aas aasayaashii dowlad goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com