Madaxweyne Deni oo ka qayb galaya Wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo socdal ku jooga Magaalada Jabuuti Jabuuti, ayaa la sheegay in uu ka qayb-geli doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Galmudug.

Madaxweyne Deni, oo socdaalkiisi soo geba-gabeeyay ayaa beri kuTagaya Magaalada Garoowe, halkaas oo uu uga sii gudbi doono Magaalada Dhuusamareeb, si uu Shirka uga qayb-galo.

Beesha Caalamka, oo xalay  soo saartay War-saxaafadeed wadajir ah, ayaa ku baaqay in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb, si heshiis loo dhanyahay looga gaaro Nuuca doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi karta

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com