Jubbaland oo sheegtay inuusan waxba ka quseyn xiriirka DFS u jartay Kenya

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C.rashiid Janan, ayaa sheegay go,aanka xiriir jarista DFS inay ku qaldan tahay, islamarkaana arrintaasi ay tahay mid iyada un ku kooban.

“Xiriirka ay Villa Somalia u jartay dowladda Kenya waxba annaga Jubaland ah nagama quseeyaan. Dowladda Kenya xiriir baan la leenahay, deris baan nahay, walaal baan nahay, shacabka Soomaaliyeed baa ku dhex nool. Mana qabno in marnana xiriir loo jari karo, sidaasina aan ku kala go’i karno….mana aha ra’yiga aan ku hadlayno mid annaga Jubbaland ah oo kaliya aan qabnee qof kastaa oo Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo dalkan u naxaya ayaa qabo in ereyga Villa Somalia ka soo baxaya in uu yahay wax khaldan”, ayuu yiri Janan.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo la hadlaayay Idaacadda BBC, ayaa wax laga waydiiyay ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ka soo baxay Dhoobley, una gudbay Gobolka Gedo.

“Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana joogo. Haddii taa ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee reer Jubbaland ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo muddada dheer”, ayuu yiri Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland.

Janan ayaa dhanka kale ku eedeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi in ay dhibaato ku hayaan shacabka halkaasi deggan.

“Meeshan waxaa ku sugan ciidamo iyo shacabkii aan mas’uulka ka ahayn oo dhibban oo dhibaato dhac, boob iyo waxyaabo xaqiiqiyan bani’aadanimada aad ugu fool xun lagu hayo…degmadan Beled-Xaawo ee aan hadda duleedkeeda degganahay 5/3/2011 baan cadow ka qabannay. Haddana cadow kale ayaa haysta ayaan dhihi karaa sida shacabka loola dhaqmayo”.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com