Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magaalada Gaalkacyo Uga qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku geeriyootay Qaraxii Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku dhintay  falkii Qaraxii shalay shabaab ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, maamulada Puntland,iyo Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage  iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor  ayaa tsheegay  in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka  geeriyooday

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com