Madaxweyne Cali Guudlaawe oo u Mahadceliyay Cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashadii Hirshabeele

Madaxweynaha Cusub Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo warbaahinta la hadlay, ayaa u mahadceliyay

Madaxweynaha Cusub Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo warbaahinta la hadlay, ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb-qaadatay habsami-u-socodka doorashadii uu ku guulaystay.

Madaxweyne Guudlaawe, ayaa ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka,dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii ay ka qabteen doorashadii Hirshabeelle, isagoo sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle, ayaa xusay in muhiimada koowaad maamulkiisa uu kasiin doono dhallinyarada wax baratay, si looga faa’ideysto aqoontooda oo degaannada Hirshabeelle hormar loo gaarsiiyo.

“Qof walba fikirkeeda iyo taladeeda waan tixgelin doonaa,gaar ahaan dhallinyarada waxbaratay,waxaa idiin baahan dadkiina, waxaa idiin baahan deegaankiina,annaguna waan idin soo dhaweyheynaa,wixi talo ah oo aad noo soo jeedisaan aan qaada doonaa,dadkiina iyo dalkiina ayaad wax u barateen”.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Hirshabeelle ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub si dhammaan deegaannada Hirshabeelle ay u noqdaan kuwa dhan walba ka hormarsan oo barwaaqo iyo amni ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com