Gudoomiye Mursal oo Magacaabay Gudi soo baara Saameynta Cudurka Covid19 uu kun yeeshay Dalka Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay guddi KMG ah oo loo xil saaray soo diyaarinta saamaynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabidda guddigaan ku soo aadayso waqti uu gabagabo uu marayo muddo xileedka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saamaynta cudurkaas, isla markaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay u soo gudbiyaan golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka uu saameeyay cudurka Coronavirus oo ay jireen kiisas laga helay oo gaarayay kumanaan ruux, waxaana u dhintay dad boqol ku dhow.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com