Diyaarad Millateri oo ku burburtay dalka Sudan

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciiddanka dalka Suudaan ayaa ku burburtay Koonfurta Caasimada dalkaasi ee Khartoum.

Goobjoogayaal la hadlay Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA ayaa sheegay inay Diyaaradahaasi ku dhacday Biyaha Webiga Cad.

Duuliyaha Diyaaradda waxa uu isu dayey inuu mar kale ka duuli Webiga balse ay Diyaaradii la quustay.

Gurmad ayaa soo gaaray, balse waxaa adkaatay in Diyaaradda la helo, sababo la xiriirta qulqulka Daadka Biyaha Webiga Cad ee Niilka.

Taliska Milliteriga Sudan weli war kama soo saarin dhacdadaasi, Wanda Shilkii 3aad ee ay Diyaarad Milliteri ku burburto dalkaasi dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay.