Midowga Musharixiinta oo Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in falalka uu ku kacay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka u degsan uu xilalka cusub ee uu magacaabay.

War Qoraal ah ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa lagu xusay  in wareegtadan ay tahay mid lagu carqaladeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in baaritaan daah furan iyo cadaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay saraakiisha ciidanka inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadayee Maxamed Cabdulaahi farmaajo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com