Madaxweyne Deni oo Eedeeyay shirkadaha Biyaha iyo Korontada ee ka shaqeeya degaanada Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa U jeediyay dhaliilay Shirkadaha Korontada iyo Biyaha bixiya ee magaalooyinka Puntland, kuwaas oo ku eedeeyay in ay faa’ido badan ka raadiyaan Bulshada.

Mudane Deni, oo ka hadlayay Shir ku saabsan Degaanka iyo Cimilada oo ka qabsoomay Garoowe, ayaa sheegay in dowladdu ay ka war-hayso qiimaha saa’idka ah ee Shirkadaha Korontada iyo Biyahu ay ka qaadaan Bulshada, taas oo ku tilmaamay mid aan suurta-gel ahayn.

Madaxweynuhu, wuxu sheegay in dowladdu ay waddo       qorshe cusub oo koronto Raqiis ah lagu keenayo magaalada Boosaaso, si looga baxo korontada Qaaliga ah, haddana aan ku filnayn xaafadaha kala duwan ee Boosaaso.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com